Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in ay saacadaha soo socda guud ahaan ammaanka caasimadda Garowe la wareegi doonaan ciidan cusub oo boolis ah.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ciidankan oo tababar sare qaba ay wax ka baddeli doonaan qaabkii looga shaqayn jiray ammniga magaalada Garowe oo mararka qaar la dhaliili jiray.
Madaxweynaha ayaa bulshada Garowe ka codsaday in ay ciidankan soo dhaweeyaan oo si dhow loo gala shaqeeyo ammaanka magaalada.
Ciidankan oo bishii Oktoobar tababar loogu soo xiray kulliyadda Carmo ayaa ah dhallinyaro waxbartay oo ay ku jiraan kuwo heer Jaamacadeed ah.
PUNTLAND POST