Maamulka Jubaland ee hoggaamiye Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu dastuurkiisa ka saaray ‘goboleed’ kuna soo koobay ‘dowlad’.
Guddoomiyaha baarlamaanka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa maanta arrintan kaga dhawaaqay manaasabad uu ka qaybgay oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel-gaarka maamulkaaas.
“Anaga (baarlamaanka Jubaland) dowlad goboleedkii dastuurka waa ka saarnay, dowladda Jubaland ayaa ka dhignay” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Cabdi.
Puntland ayaa sidaan oo kale dastuurkeedu qorayaa dowlad, kaas oo la ansixiyay sanadkii 2009, waxaana meelaha qaar iska waafaqsanayn dastuurka dowladda federaalka iyo dastuurada dowlad goboleedyada.
PUNTLAND POST