Wasaaradda Arrimaha Dibadda Biritayn ayaa ku wargelisay muwaadiniinteeda u safraya Soomaaliya oo ay jirto Somaliland in looga baahan yahay in ay qaataan dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-Visa) ee ay soo rogtay dowladda Soomaaliya.
Dowladda Biritayn waxay dadka sida gaarka ah ugu safraya Somaliland ku wargelisay in looga baahan yahay dal-ku-galka E-visa, balse marka ay tagaan Hargeysa aan la aqoon sanayn fiisahaas oo laga rabo in ay garoonka ka iibsadaan fiise.

Wargelinta dowladda Biritayn ayaa ka dhigan in dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-Visa) ee Soomaaliya uu yahay mid sharciga ah oo laga rabo qof walba oo u socda Soomaaliya oo ka tagaya dalkaas.
PUNTLAND POST