Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa magacaabay 15 wasiir ku-xigeen oo ka mid noqonaya xukuumaddiisa.
Xubnahan ayaa ku biiraya 21 wasiir oo hore uu u magacaabay madaxweyne Firdhiye, welina waxaa muuqata in aysan dhameystirnayn xukuumadda Waqooyi Bari.
Xubnaha wasiir ku-xigeennada maamulka Waqooyi Bari ee la magacaabay ayaa kala ah;
Cabdiqaadir Ibraahim Ciise – wasiir ku-geenka arrmaha diinta iyo dastuurka
2. Cali Axmed Cali – wasiir ku xugeenka arrimaha gudaha.
3- Axmed Daahir Mire – wasiir ku-xigeenka maaliyadda
4- Nimco Faarax Caydiid – wasiir ku-xigeenka caafimaadka
5- Axmed Aadan Siciid (Ayuub) – wasiir ku-xigeenka qorsheynta
6- Cali Daahir Cilmi – wasiir ku-xigeenka amniga
7- Siciid Xaaji Nuur – wasiir ku-xigeenka tamarta iyo biyaha
8- Cabdale Aadan Cabdi – wasiir ku-xigeenka waxbarashada
9- Nimco Cali Yuusuf – wasiir ku-xigeenka arrimaha qoyska
10- Cabaas Maxamuud Cali – wasiir ku-xigeenka deegaanka & duurjoogta.
11- Maxamed Baashe Maxamuud – wasiir ku-xigeenka hawlaha guud
12- Nimco Axmed Cismaan – wasiir ku-xigeenka ganacsiga
13- Maxamud Cabdullahi Axmed – wasiir ku-xigeenka gargaarka
14- Maxamed Cali Cismaan – wasiir ku-xigeenka shaqada, arrimaha bulshada & ciyaaraha
15- Maxamed Cabdi Caafi – wasiir ku-xigeenka beeraha & waraabka.


PUNTLAND POST